Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Date:

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxan waxaa soo abaabulay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaas oo si weyn uga caraysan falka gardarrada ah ee Israa’iil, iyagoo si adag u cambaareeyay tallaabadaasi, kuna adkeeyay in Soomaaliya aan marnaba la kala qaybin karin.

Qaar kamid ah odayaasha oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in falka ay Israa’iil ku kacday uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah qaranimada, madaxbannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed,iyagoo sheegay in dowladda ay ku garab taaganyihiin difaaca dalka iyo ilaalinta wadajirka ummadda.

“Haddii aan nahay duubabka dhaqanka Soomaaliyeed waxaan Madaxweynaha Qaranka ku taageereynaa difaaca midnimida dalka.” Afhayeenka Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Odayaasha ayaa intaa ku daray in xilligan oo kale ay lagama maarmaan tahay midnimo, wadashaqeyn iyo wadarjir si looga gudbo caqabadaha jira.

Waxay si adag u muujiyeen diidmadooda ku aaddan xadgudubka qaawan ee YH-DA kula kacday madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka ayaa warmurtiyeed ay soo saareen ku sheegay in ay si cad u cambaareynayaan faragelinta Israa’iil ee midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo iyo feejignaan qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...