Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si uu ugu kuurgalo xaaladaha abaaraha ka jira dalka.
Wafdigan waxaa qeyb ka ah hayโadaha gargaarka iyo ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha baniiโaadanimada iyo isku-duwidda gargaarka.
Wafdiga ayaa booqan doono xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla deegaanada hoostaga Kismaayo, si ay u qiimeeyaan xaaladaha nololeed ee dadkaasi wajahayaan.

