Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii biyaha ay isticmaali jireen Khawaarijtii laga xoreeyay deegaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamadu ay heleen dhowr god oo Khawaarijtu ku keydsan jireen caagag gaaraya dhowr boqol, kuwaas oo ay ku jireen biyo ay ugu talagaleen horjoogayaashooda iyo maleeshiyaadka ku sugnaa aagga Jilib Marko.

Dhawaan ayay ahayd markii howlgal si wanaagsan loo qorsheeyay Khawaarijta looga xoreeyay deegaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weli deegaanno badan oo ka tirsan isla gobolka Shabeellaha hoose ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...