Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka oo guulo waaweyn kasoo hooyey dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyo doorashooyinkii goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir, ee dhowaan sida guusha ah uga qabsoomay caasimadda.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadal-jeedin looga dhagaystay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si faahfaahsan uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, isaga oo si weyn golaha ugu bogaadiyay kaalintii muuqatay ee ay ka qaateen qabsoomidda doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee casimadda ka qabsoomay 25-tii Diseembar, 2025, taas oo uu Madaxweynaha ku tilmaamay dhacdo taariikhi ah oo dad badan ay shaki ka qabeen in ay qabsoomi karto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka hadlay duulaankii qaawanaa ee lagu soo qaaday qaranimada, wuxuuna sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray tallaabooyinka diblumaasiyadeed ee dowladdu kaga jawaabtay weerarkaas, isaga oo golaha kula dardaarmay in sida wadajir ah u waajahaan difaaca dalka. Madaxweynaha JFS, ayaa sidoo kale golaha wasiiradda ku booriyay in ay si midnimo, wadajir iyo wadatashi ah ku wajahaan xaaladda dalka, iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, ayaa ansixiyey labo heshiis oo muhiim u ah Qaranka iyo iskaashiga dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya, waxa ayna kala yihiin.

1) Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsan iskaashiga amniga.

2) Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iy Boqortooyada Sacuudiga kuna saabsan iskaashiga gaadiidka badda.

Sidoo Kale golaha Wasiirrada ayaa meelmariyey Hindise-Sharciyeedyo iyo Siyaadadaha kala ah.

1) Hindise-Sharciyeedka Caddeymaha.

2) Axdiga Caalamiga ah ee Halbeegyada Tababbarka iyo Shahaado-siinta ilaalinta baxmaaxiinta 1978.

3) Xeerka dhismaha Machadka Soomaaliyeed ee Badaha.

4) Xeer-nidaamiyaha Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5) Siyaasadda Qaran ee Naafada Soomaaliyeed

Ugu dambeyn, golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamed, taas oo ku saabsan howlaha soo saarista shidaalka oo dhowaan laga bilaabi doono dalka, iyo warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha dalka taas oo goluhu ka dhageystay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA.)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...