Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay Agaasimaha Guud ee cusub, Mudane Cabdulqaadir Cali.

Kulanka oo diiradda lagu saaray howlaha maamul iyo shaqo ee Wasaaradda, jiheynta istaraatiijiga ah iyo qorshayaasha mustaqbalka gaar ahaan mudnaanta Wasaaradda ee sanadka 2026

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale kawada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta howlaha hortabinta leh, sida dadaallada dib-u-heshiisiinta, horumarinta arrimaha federaalka, taageeridda hawlaha xasillinta, iyo kor u qaadista hufnaanta iyo waxqabadka hay’adaha Wasaaradda.

Wasiirka ayaa sheegay in wada-shaqayn dhow iyo isla-xisaabtan joogto ah ay muhiim u yihiin gaarsiinta Wasaaradda yoolalka iyo adeegyada ay bulshada u hayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...