Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan looga hadlay ilaalinta gobannimada iyo midnimada dalka la qaatay qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha dowladda ee ku aaddan ka hortagga xadgudubka uu Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku qaaday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda, iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed, ay dadaal xooggan gelisay ilaalinta qarannimada iyo midnimada dalka, isla markaana ay u marayso habraacyada iyo xeerarka caalamiga ah. Wuxuu adkeeyay muhiimada ay leedahay in si mideysan looga hortago damaca gurracan ee wiiqaya jiritaankeena.

Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi-Bari, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee kulanka ka qayb galay, ayaa ku adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqibka aan la mahdin iyo culeyska amni ee tallaabadaasi u horseedi karto gobolka, iyagoo caddeeyay sida ay ugu garab taagan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda dadaallada diblomaasiyadeed ee uu ka wado gudaha iyo dibadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...