Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

Date:

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer Caalami iyo mid Goboleed isugu jira ayaa diidmo adag kala hor yimid damaca Yuhuuddu ku aqoonsaneyso qeyb ka mid gobolada Dalka Soomaaliya, waxayna dhammaantood hoosta ka xariiqay qodobadan soo socda:-

1. Diidmo cad oo aan mugdi ku jirin oo ay u diidan yihiin aqoonsiga ay Israa’iil 26-kii Disembar 2025-ka u sameysay gobolka ka mid ah Soomaaliya oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama tallaabadan aan hore loo arag ay leedahay cawaaqib halis ah oo saameynaya nabadda iyo amniga Geeska Afrika, Badda Cas, isla markaana ay si guud u saameyneyso nabadda iyo amniga caalamka, kana tarjumeysa iska indha-tirid buuxda oo cad oo Israa’iil ay ku sameyneyso sharciga caalamiga ah.

2. Cambaareyn adag oo ay u cambaareynayaan aqoonsigaas, kaas oo ah ku xadgudub weyn oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo si cad u faraya ilaalinta madaxbannaanida dowladaha iyo dhul-wadaaggooda, islamarkaana ka tarjumaya siyaasado fidin (ballaarin) ah oo Yuhuuddu damacsan tahay.

3. Taageero buuxda oo ay siinayaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo diidmo aan leex leexad laheyn oo ay u diidan yihiin tallaabo kasta oo wiiqeysa midnimada Soomaaliya, dhul-wadaaggeeda ama madaxbannaanideeda ku aaddan dhammaan dhulkeeda.

4. Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu abuurayaa tusaale halis ah, wuxuuna khatar gelinayaa nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ku xadgudbaya mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

5. Diidmo buuxda oo ay u diidan yihiin xiriir kasta oo suurtagal ah oo u dhaxeeya tallaabadan iyo isku day kasta oo lagu doonayo in si qasab ah dadka Falastiin looga raro dhulkooda, taas oo si mabda’ ahaan ah gebi ahaanba loo diidan yahay nooc kasta ha ahaatee.

Haddaba Dadka aadka wax u taxliiliya ayaa in Seddexdaan talaabo haddi Somaliland aysan ku guuleysan ictiraaf majiro!

Maamulka Somaliland waxa loogu sheekeyay in ictirafki 35 sanno ay sugaayen Israel laga helay, balse xaqiiqda waa in seddex talaabo idin dhiman tahay oo Israel hal dal ay tahay waxna ka badali karin qariirada iyo shuruucda Qaramada Midoobay (UN-ka).

1. Dowladda Soomaliya iyo Baarlamankeeda waa inay aqbalaan dalabka Somaliland ee ah dal madax-banaan inay noqoto.

2. Markay Soomaliya aqbasho, ayaa haddana cod la galinaya. Wadamada codka leh ee Golaha Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ka kooban 193 dal, si aad dal madax banaan oo UN ka tirsan u noqotid waa inaad hesha 129 cod.

3. Marki aad ka soo gudubtid buundadaas, waxa ku sugayan 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana inaad hesha 9 cod. Mid ku darso Soomaaliya waxay bisha January la wareegeysaa Shir Guddonka Golaha Ammaanka, halkaasina shaqo ayaa laga qaban doona.

Sidoo kale dhammaan 5-ta Xubin ee joogtada ah, islamarkaana leh Codka Diidmada Qayaxan (5Veto Power) waa inay haa u codeeyaan. Tusaale haddi China ama Russia midkood MAYA u codeeyo, barnaamijka oo idil halkaas ayuu ku dhammaanayaa.

Tusaale , Kosovo waa dal aqoonsi ka heysto in ka badan 100 Wadan, sidaasi oo ay tahay UN-ka waxay u aqoonsan tahay Serbia inay ka mid tahay, sababtuna waa in markii UN la keenay qadiyadoda inay diideen Shiinaha iyo Ruushka.

Maamulka gobolada Waqooyi ee uu damacu wado xaqiiqda waxay tahay in wadda dheer oo qodxo badan idin sugeeyso , Dowladda Soomaliya iyo inta la mowqifka ahna awoodooda diblomaasiyadeed ayay istacmali doonan.

“Aqoonsiga ay bixisay Israa’iil oo ah “dowlad go’doon ah” waxba uma kordhin doono Somaliland, marka laga reebo magac-xumo iyo go’doon hor leh,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Dhinaca kale dowladda Eritarea ayaa ku biirtey dalalka qaadacay aqoonsiga ay Yuhuuddu siisey Somaliland, waxayna Asmara sheegtay in qorshahani yahay mid lagu doonayo in gobolka qalalaase looga abuuro, waxayna xustay in loo baahan yahay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaado talaabo, waxayna dowladda Shiinaha ugu baaqday inay waajib tahay inuu qaato masuuliyad anshaxeed, maadama ay Beijing diidan tahay inay Taiwan ka go’do, si la mid ah inuu arritaan uga hor yimaado.

Waxaa kaloo in la xusid mudan in Yuhuudu ay saldhig ku leedahay Xeebta magaalada Casmara ee dalka Eretareeya, balse wax dhaqdhaqaaq ah kama sameyn karto, waayo Eretareya ayaan ogoleyn sababo jira awgood ama wax ay horey ugu heshiiyeen, sidaasi awgeed ayay doonayaan inay saldhig Militari ka sameystaan qeyb ka mid dhulka Soomaaliyeed, waase haddii ay u suurtogasho.

Dhinaca kale Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay Qaranimada Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, Gobolka Banaadir, iyadoo Boqolaal ka tirsan shacabka caasimadda oo ka careysan tallaabada Israa’iil ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan difaaca madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Qaar ka mid ah dadkii dibadbaxa ka qayb-galay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin difaaca Qaranimada Soomaaliya.

“Caawa, annaga oo ah shacabka Soomaaliyeed, waxaan muujineynaa dareenkeenna iyo xadgudubka loo geystay qarankeena,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ka hadlay dibad baxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...

Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...