Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta kaarka codbixinta ka qaadatay Degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay horay uga diiwaan-gashanayd.

Wasiirka waxaa ka wehliyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Nuuro Mustaf Muqtaar (Guudoow).

Dhinaca kale, Wasiir Khadiija ayaa kormeer ku tagtay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay si habsami leh uga socoto qaadashada kaararka codbixinta, iyadoo dadweynuhu si weyn ugu diyaar garoobayaan Doorashada Golaha Deegaanka oo la filayo inay dhacdo 25-ka bishan.

Wasiirka oo la hadashay shacabka degmooyinka Shingaani iyo Xamarweyne ayaa ku boorrisay inay si firfircoon uga qeyb qaataan qaadashada kaararka codbixinta, isla markaana ay u soo baxaan maalinta Khamiista si ay codkooda uga dhiibtaan goobaha loo asteeyay.

Waxay xustay in tani ay tahay taariikh muhiim ah oo dalka u cusboonaanaysa, 57 sano kadib, iyadoo shacabka Soomaaliyeed dib loogu soo celiyay xaqoodii doorasho si ay u doortaan hoggaanka ay iyagu rabaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...