Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Date:

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u daahfuray tababar ballaaran oo loo qabanayo in ka badan 4,000 oo howlwadeen, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hirgelinta iyo hufnaanta howlaha codbixinta ee la filayo inay dhacdo 25. Bishaan.

Tababarkan ayaa diiradda saaraya hab-raaca codbixinta, mas’uuliyadda shaqaalaha goobaha codbixinta, ilaalinta hufnaanta doorashada, iyo sida loola macaamilayo codbixiyeyaasha, si loo hubiyo in geeddi-socodka doorashada uu u dhaco si xor ah, daah-furan, oo waafaqsan shuruucda dalka.

Guddoomiyaha ayaa xusay in tababarkan uu yahay mid muhiim u ah xoojinta kalsoonida shacabka, maadaama howlwadeennada la tababarayo ay laf-dhabar u yihiin hirgelinta doorasho caddaalad ah oo la isku halleyn karo. Waxa uu sidoo kale adkeeyay in dhammaan ka-qaybgalayaasha tababarka laga filayo daacadnimo, dhexdhexaadnimo, iyo u hoggaansamid buuxda oo ku aaddan habraacyada doorashada.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa tilmaamay in dadaalladan ay qeyb ka yihiin isku diyaarin ballaaran oo lagu xaqiijinayo in doorashada ay u dhacdo si nabad ah, hufan, isla markaana ay shacabka si xor ah ugu cabbiri karaan rabitaankooda siyaasadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...