Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa shacabka caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta, si ay uga qeyb qaataan doorashada golaha degaanka ee lagu wadaa inay dhacdo 25-ka bishan.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in qof kasta oo hore u qaatay shahaadada is-diiwaan gelinta laga rabo inuu qaato kaarka codbixinta, maadaama uu kaarkani yahay kan u oggolaanaya inuu codkiisa dhiibto maalinta doorashada.

“Qof kasta oo haysta shahaadada is-diiwaan-gelinta waxaan ugu baaqayaa inuu qaato kaarka codbixinta, si uu 25-ka bishan u gudato waajibiisa codbixineed. Guddiga Doorashada iyo ururrada siyaasaddana waxaan u fududeyn doonaa dhammaan howlaha ay u adeegayaan bulshada,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in awoodda dib loogu celiyo shacabka, si ay u soo doortaan ciddii matali lahayd una hoggaamin lahayd. Wuxuu xusay in muddo dheer ay bulshada Gobolka Banaadir ka maqneyd xuquuqdan, isla markaana doorashadan ay dib u soo celinayso xaqa codbixinta ee muwaadiniinta caasimadda.

Dhanka kale, wuxuu ururrada siyaasadda ee diiwaangashan u sheegay inay si xor ah u soo bandhigi karaan ololahooda doorashada, isaga oo xusay in maamulka gobolka uu la shaqeyn doono Guddiga Doorashooyinka, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada golaha degaanka ee Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...