Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamiga ah, kaas oo qeyb ka ahaa Madasha Dooxa ee siyaasadda iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgalay ee Soomaaliya ay ku xaqiijinayso xasilloonida, amniga iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dagaal dhanka milatariga, dhaqaalaha iyo fikirka ah kula jiraan argagixiso caalami ah oo ku soo duushay dalkeenna.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay hirgelinta doorashooyinka tooska ah oo meel wanaagsan maraya iyo muhiimadda ay leedahay dhammaystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah dowladnimada, waxa uuna ku boorriyay beesha caalamka in taageeradooda ay noqoto mid isku duuban oo waafaqsan Qorshaha Qaran ee Soomaaliya.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay dhismaha dowlad adkaysi leh oo ku dhisan sharciyad, amni iyo horumar, isagoo uga mahadceliyey saaxiibada caalamka taageeradooda joogtada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...