Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Ehelka iyo Qaraabada uu ka baxay marxuum Xuseen Axmed Qoryooley oo maanta ku geeriyooday Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose.

Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley wuxuu xilala kala duwan ka soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta sida Xilka Agaasimaha Radio Mogadishu, Agaasimaha Warbaahinta Qaranka, Agaasimaha Howlaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxa Keydka Hadalka Radio Mogadishu iyo xilal kale.

Marxuumka waxaan Allah SW uga baryeynaa inuu u naxariisto, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo Ehelka uu ka geeriyooteyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...