Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo ay hoggaaminaysay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, ahna Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee UK ee Geneva, Marwo Eleanor Sanders.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa dowladda UK ugu hambalyeeyay kursiga dhowaan loo doortay ee ah in ay ka mid noqoto Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay. Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay kaalintii ay UK ku lahayd guulihii ay dowladda Soomaaliya ka gaartay qaadistii cunaqabataynta hubka, deyn-cafinta, iyo dib-u- la soo noqoshada Soomaaliya ee kursiga Xuquuqda Aadanaha ee QM.

Mudane Xamsa oo warbixin siinayey wafdiga, ayaa xusay in Soomaaliya ay hadda yeelatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, oo dhowaan ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, isaga oo tilmaamay in dhammaan xubnaha guddiga lagu soo xulay karti, aqoon iyo waaya-aragnimo.

Danjiraha UK ee Xuquuqda Aadanaha, Marwo Eleanor Sanders, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadcelisay qaabilaadda, waxa ayna ku bogaadisay horumarka laga sameeyay arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehelinaysay Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa Danjiraha guddoonsiiyay shahaado sharaf muujinaysa doorka UK ee garab istaagga Soomaaliya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...