Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qeybgalay kullanka sanadlaha ah ee Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi, dalka Kenya.

Madashan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta caddaaladda ku dhisan baahida shacabka, gaar ahaan nidaamyada caddaaladda ee ka baxsan dacwadaha maxkamadaha madaniga ah.

Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ayaa is dhaafsaday waayo-aragnimo, hal-abuur casri ah, iyo qaabab cusub oo lagu ballaarinayo helitaanka caddaaladda.

Intii uu shirku socday waxaa si gaar ah looga falanqeeyay caqabadaha wadajirka ah ee ka jira dalalka gobolka, sida la jaanqaadidda sharciyada, wacyigelinta bulshada, dhisida awoodda garsoorka, adeegsiga tiknoolajiyadda, iyo joogteynta nidaamyada cusub ee caddaaladda. Waxaa sidoo kale laga dooday sida loo dardargelin lahaa wada-shaqeyn heer gobol ah, oo ay ka mid yihiin isdhaafsiga aqoonta, tababarrada wadajirka ah, iyo booqashooyinka waxbarasho ee garsoorayaasha.

Ugu dambeyntii, madashu waxay ku heshiisay in la diyaariyo war-murtiyeed mideysan oo qeexaya mudnaanta, ballanqaadyada wadajirka ah, iyo tallaabooyinka la qaadayo si loo horumariyo caddaalad ku saleysan baahida dadweynaha ee guud ahaan Bariga Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...