Bandhiga dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaaliyeed oo ka furmay Nairobi

Date:

Waxa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi Bandhigga Dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaaliyeed 2025 kaas oo ka socon doona Mall-ka Two Rivers Mall.

Bandhigaan ayaa socon doona mudo saddex maalmood ah, waxaana lagu soo bandhigayaa muusiga, suugaanta, cuntada, farshaxanka, hal-abuurka iyo carwooyinka ka tarjumaya hodantinimada dhaqanka iyo dhaxalka dadka Soomaalida.

Bandhigga ayaa sidoo kale lagu iftiimin doonaa aqoonsigeenna dhaqameed, isla markaana lagu xoojinayo wada-noolaanshaha, isku-duubnida, iyo ixtiraamka wadajirka ah ee ka dhaxeeya dadka ku nool Kenya.

Inta uu socdo bandhigaan, habeen kasta waxa uu lagu soo bandhigaya riwaayado iyo dabbaal-dega dabridka “fireworks”.

Dadka Soomaalida ayaa ah dad guulo badan ka gaaray ganacsiga, magacna u soo hooyay dadka Soomaalida, hadana waxa jira dad dareen xun ka faafinaya dadka Soomaaliyeed.

Bandhigaan waxa uu wacyi kordhin u sameeynayaa dadka Keenyaanka ah isla markaana waxa uu sare u qaadayaa hamiga dadka Soomaalida, gaar ahaan Jiilka soo koraya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...