Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Date:

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka Qaranka (Lr. 26/2024) iyo Xeerka Ururrada Siyaasadda iyo Xisbiyada (Lt. 27/2024), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/11/2025 kulan ku yeeshay xarunta dhaxe ee Guddigu uu shir-gudoomiyey Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga waxaa ay soo saareen go’an ku saabsan muddada soo gudbinta liisaska murashaxiinta Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii uu tixgeliyay:-

1. Guddigu oo ka jawaabaya codsiyo rasmi ah oo kaga yimid qaar ka mid ah Ururrada Siyaasadda oo dalbaday in la siiyo waqti dheeri ah oo ay ku soo gudbiyaan liisaskooda murashaxiinta.

2. In la hubiyo in liisaska murashaxiintu nogdaan kuwo dhammaystiran oo shuruudaha sharciga waafaqsan.

Guddigu waxaa uu go’aamiyay in lagu daro muddo laba todobaad ah oo ka bilaabaneyso 26-Nofeember oo ku eg 10-Diseember. Guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan Ururrada Siyaasadda in liisaska Murashaxiinta kama dambaysta ah lagu soo gudbiyo ugu dambeyn mudada loo qabtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...