Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Gaalkacyo ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan iyo Soohdimaha Qaranka (GDMSQ), Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha dadweynaha.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa Guddoomiyaha ku wehelinayay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Mudug, saraakiil amni iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in diiwaangelinta codbixiyayaasha ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo ka qeybgalka shacabka ee go’aaminta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, isaga oo tilmaamay in Guddigu ku howlan yahay in hab-raaca diiwaangelintu noqdo mid hufan, daah-furan oo loo siman yahay.

Xildhibaanadii ka qaybgalay furitaanka ayaa uga mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka dadaallada ay wadaan, iyaga oo ku boorriyay shacabka Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug in ay ka faa’iideystaan fursadda diiwaangelinta si ay u helaan kaarka codbixinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...