Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Pakistan

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Abdi Ali, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, xilli uu socday Shirka 4-aad ee Madasha Wasiirrada EU Indo-Pacific oo ka furmay magaalada Brussels.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba geesoodka ah ee soo kobcaya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen in labada dal ay ka dhaxeeyaan xiriir walaaltinimo, iskaashi taariikhi ah iyo dano wadaag ah.

Wasiirrada ayaa sidoo kale isla gartay in la dardargeliyo iskaashiga dhinacyada kala duwan oo ay ka mid yihiin diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowladda, si loo gaaro horumar waara oo labada dal dan u ah.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la sii joogteeyo wadahadallada iyo iskaashiga joogtada ah, lana abuuro fursado cusub oo kor u qaada xiriirka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...