Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum C/raxmaan Yacquub

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha waaxyaha iyo hawlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Ustaad C/raxmaan Yacquub, oo ka mid ahaa wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, kuna geeriyooday maanta magaalada Muqdisho.

Wariye C/raxmaan Yacquub waxa uu muddo dhowr iyo toban sano ah ka tirsanaa wariyeyaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u qaabilsanaa wararka Arrimaha Dibadda, sidoo kalena caan ku ahaa Barnaamijka Muuqaalka Dunida.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii, carruurtii iyo guud ahaan bahda Warbaahinta Qaranka ee uu marxuumku ka baxay, isaga oo Allah uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka iyo asxaabta. Aamiin… Aamiin… Aamiin.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...