Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro. Safiirka ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha uga warbixisay howlaha uu Xafiiska Midowga Yurub ka wado gudaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ammaan u jeedisay Golaha Shacabka dadaalka ay ku bixiyeen samaynta shuruucda aas-aaska u ah dowladnimada dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta wada-shaqeynta u dhexeysa Golaha Shacabka iyo Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha shuruucda taageera horumarka dowladnimo ee dalka, arrimaha ku saabsan dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka, iyo sida Midowga Yurub uu u kordhin karo taageeradiisa Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada muuqata ee ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya. Waxa uu xusay in Golaha Shacabka uu xoogga saarayo, isla markaana uu ka shaqeynayo, dhameystirka Dastuurka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed dib loogu siin lahaa awoodda ay ugu soo dooran lahaayeen hoggaanka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...