Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa ka qeybgalay Shirka Sannadlaha ah ee looga hadlayo “Ilaalinta iyo Xalka Waara” ee dadka Barakaca uu saameeyey, kaasi oo ka dhacay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Shirkan waxaa kasoo qeybgalay wakiillo ka socday dalalka ku mideysan Urur Goboleedka IGAD, hay’ado caalami ah iyo diblomaasiyiin ka socday safaaradaha. Waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ka dhashay qiimeyn iyo dabagal muddo bilooyin ah socday, kuwaas oo diiradda lagu saarayey guulaha laga gaaray mashaariicda sannadkan soo dhammaanaya ee “Ilaalinta iyo Xalka Waara”, iyo caqabadaha weli ka jira dalalka IGAD.

Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi ayaa khudbaddiisa ku adkeeyey dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hormuudka ka tahay, gaar ahaan:

Saameynta ka dhalatay hoos u dhaca kaalmada bini’aadannimo.

Dhibaatada sii kordheysa ee isbeddelka cimilada iyo tirada barakacayaasha oo sii badanaysa.

Horumarka muhiimka ah ee laga gaaray meelmarinta Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha Gudaha.

Wufuudda ka qeyb gashay shirka ayaa si gaar ah u bogaadiyey tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku amaanay dadaalka joogtada ah ee lagu doonayo in lagu xalliyo caqabadaha haysta barakacayaasha gudaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...