Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya oo daah-furay qorshe lagu horumarinayo xarunta (SOHO).

Date:

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, Sarreeye Guuto Admiral Cabdiwahaab Cabdullaahi, iyo khubaro ka socota Italian Hydrographic Institute (IIM) ayaa si rasmi ah u daahfuray qorshe lagu dhisayo laguna horumarinayo xarunta “Somali Oceano-Hydrographic Office (SOHO).”

SOHO waxay noqon doontaa xarunta cusub ee xog-uruurinta badda, jaantusyada khariiradaha socdaalka, badbaadada maraakiibta, xogaha cimillada badda, tides-ka Soomaaliya, iyo sugidda amniga xeebaha.

Xaruntan ayaa sidoo kale noqon doonta xarunta ugu weyn ee xog-uruurinta badda Soomaaliya, qaybna ka qaadan doonta ilaalinta xeebaha iyo kheyraadka badda dalka.

Kulankan oo ah qorshe qaran ayaa lagu dhisay iskaashi farsamo, iyadoo la qorsheynayo tababarro sare iyo qalab casri ah si loo xoojiyo badbaadada maraakiibta, amniga xeebaha, awoodda badda, iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...