Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, guddoonsiiyey haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta, oo ay qayb ka ahayd Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan marxaladihii uu soo maray Matxafka, kaas oo 30-kii October si rasmi ah loogu daah furay magaalada Carta, Jabuuti, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Wuxuu Wasiirku xusay doorka muuqda ee ay Wasaaradda Warfaafintu ku lahayd qorsheynta, qabanqaabada iyo qalabeynta Matxafka, taas oo qeyb weyn ka qaadatay guusha munaasabadda daah-furka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey dhismaha Matxafka Nabadda ee Carta, isagoo tilmaamay in aragtida taallada Nabadda ay dhalatay kadib booqashadii hore ee Carta. Wuxuu si gaar ah u ammaanay juhdiga Wasaaradda Warfaafinta ee arrintaasi ku bixisay.

Ugu dambeyn, Wasiir Daa’uud Aweys ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Ra’iisul Wasaaraha haddiyad gaar ah oo uu u dhiibay Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka, waxaana guddigaasi hoggaaminayey Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Jabuuti, Mudane Yoonis Cali Guedi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...