SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Sulaymaan Sheekh Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, ayaa daahfuray shir muhiim ah oo lagu soo bandhigay mashruuca Catastrophe Deferred Drawdown Option (Cat DDO), oo ay dowladda Soomaaliya leedahay kana taageerayo Bangiga Adduunka.

Mashruucan waxaa lagu xoojinayaa awoodda dowladda iyo hay’adaha la xiriira maareynta masiibooyinka si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha aafada dabiiciga ah, kahor inta aysan keeni barakac iyo khasaare naf iyo maal leh.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay dowladda, maadaama uu imaanayo xilli hoos u dhac ku yimid maalgelinta arrimaha bani’aadannimada, isla markaana uu gacan ka geysanayo dhisidda awoodda dalka ee u adkeysiga iyo la qabsiga masiibooyinka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa xaqiijiyay ka go’naanta dowladda ee hirgelinta mashaariicda la xiriira maalgelinta masiibooyinka iyo sii xoojinta iskaashiga lala leeyahay Bangiga Adduunka iyo maalgeliyeyaasha kale si loo ilaaliyo badqabka bulshada iyo horumarka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...