Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2026

Date:

Shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa lagu ansixiyay filashada miisaaniyadda sannadka 2026, taas oo dhan $44,355,094.12.

Shirka ayaa marka hore lagu dhaariyey dhammaan wasiirradii iyo wasiiru-dowlayashii cusub ee loo magacaabay Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyo Maaliyadda.

Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixisay weerar ay macawiisleydu ka fuliyeen degmada Mahadaay, kaas oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay xeerka qoondeynta miisaaniyadda 2026, halka Wasaaradda Warfaafintu ay soo gudbisay warbixin la xiriirta warbaahinta iyo dalxiiska ee Hirshabeelle.

Madaxweynuhu waxa uu kulanka ka jeediyay su’aallo isla xisaabtan ah, isaga oo dul istaagay shaqooyin hortebin leh oo gaabis ku yimid.

Ugu dambayn, Golaha Wasiirradu waxay si rasmi ah u ansixiyeen filashada miisaaniyadda sannadka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...