Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha

Date:

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta u magacaabay Dr. Xasan Cadaay Cali Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle.

Dr. Xasan Cadaay ayaa hore uga soo shaqeeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Danqaran, halkaas oo uu door muhiim ah ka qaatay howlaha caafimaadka iyo xiriirka hay’adaha dowladda. Sidoo kale, waxa uu sanadkii 2021 u tartamay kursiga Senatorka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Magacaabistiisa ayaa lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo hannaanka maamul iyo wada-shaqeynta dowladaha hoose, iyadoo lagu wado inuu hormuud ka noqdo dadaallada lagu dhisayo dowladnimo daahfuran iyo adeegyo bulshada u dhow.

Maamulka Hirshabeelle ayaa hore u sheegtay in ay dardargelin doonto dib-u-habaynta maamulka gudaha iyo xoojinta xiriirka dowladaha hoose, taas oo qeyb ka ah qorshaha guud ee kor u qaadista hufnaanta iyo maamul wanaagga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...