Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Date:

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gaarsiiyay deegaanka Warane oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ololahaan ayaa qeyb ka ah dadaallada dalka looga hirgelinayo diiwaangelin guud oo ku wajahan doorashada qof iyo cod, waxaana Guddigu sheegay in ujeeddadu tahay in bulshada deegaanka Warane iyo nawaaxigiisa ay helaan fursad ay isku diiwaangeliyaan si ay uga qeybqaataan doorashooyinka soo socda.

Bulshada deegaanka Warane ayaa soo dhoweysay gaarsiinta adeeggan, iyagoo tilmaamay in ay muhiim u tahay ka-qaybgalka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...