Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC Congo ka guddoomey Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas, Marwo Thérése Kayikwamba Wagner.

Danjire Ilyas iyo Wasiiradda ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada mabadda gobolka, fursadaha ganacsiga, fududeynta socdaalka iyo in xabsiyada dalkaas laga sii daayo muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran.

Ugu danbeyn, waxaa kulanka labada dhinac lagu dhiirrageliyay kor u qaadidda maalgashatada, dhinacyada kala duwan ee ganacsiga iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa howlaha fududeynta dal ku galka iyo sharciyada deganaanshaha ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...