Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Date:

Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana shir guddoomiyey Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Taliyaha Booliska, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo saraakiisha kale ee labada hay’adood.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay istaraatiijiyadda isku-dhafan ee maareynta xuduudaha dalka, iyadoo diiradda la saarayo wadashaqaynta hay’adaha amniga ee xuduudaha, aragtida guud ee samaynta istaraatiijiyadda maareynta iyo kontoroolka xuduudaha ee isku-dhafan, doorka Ciidanka Booliska ee sugidda amniga xuduudaha, la-dagaallanka tahriibka iyo dambiyada abaabulan iyo diyaarinta qabo-qoraalka siyaasadda qaran ee soo guryo-noqoshada.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu dhisay Guddi isku-dhafan oo diyaarinaya Istaraatiijiyadda Qaran ee sugidda amniga xuduudaha dalka iyo dib u eegista siyaasadaha qaran ee la xiriira ka hortagga tahriibka iyo dambiyada socdaalka, taas oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta iyo isku-xirka hay’adaha amniga ee heer qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...