Wasaaradda Qorshaynta oo Wadatashi Istiraatiijiyadeed la yeelatay Hay’adda WFP ee 2026–2030

Date:

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kaas oo ku saabsan Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee hay’adda ee sanadaha 2026–2030.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, iyo Wakiilka WFP ee Soomaaliya, Mudane El-Khidir Daloum.

Agaasime Maxamed Shire ayaa soo jeediyay warbixin ku saabsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo Qorshaha Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay (2026–2030), isagoo xusay muhiimadda iswaafajinta yoolalka labada dhinac.

WFP ayaa dhankeeda soo bandhigtay casharro laga bartay qorshihii 2022–2025 iyo jihada cusub ee qorshaha 2026–2030, iyadoo la bogaadiyay wada-shaqeynta iyo ka go’naanta labada hay’adood ee ku aaddan horumarinta Soomaaliya.

Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda lahaanshaha qaranka, qorsheynta ku saleysan xogta, iyo ka-qaybgalka bulshada si loo xoojiyo nidaamyada cuntada iyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...