Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kuwaas oo ay shalay doorteen Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka furay ayaa ugu horeyn Xildhibaanadda ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda cusub ee loo doortay, waxa uuna sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay ka sugeyso wax qabad muuqda iyo matalaad dhab ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedkae Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka dalka uga mahadceliyay sida kalsoonida leh ee ay ugu doorteen in ay Soomaaliya ku metelaan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda cusub ee Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedkae Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kula dardaarmay mas’uuliyadda ka saaran in ay si dhab ah qaranka Soomaaliyeed ugu matalaan Baarlamaanka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...