Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Kenya, kaddib geeridii ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas, Raila Odinga.

Madaxweynaha ayaa xusay kaalintii uu Raila Odinga ku lahaa horumarinta dimuqraadiyadda, nabadda, iyo xasilloonida gobolka, isagoo tilmaamay in uu ahaa siyaasi khibrad iyo karti u leh xalinta khilaafaadka iyo dhiirrigelinta iskaashiga ummadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagayaan murugada geerida Raila Odinga, oo door muhiim ah ka soo qaatay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...