Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada oo sheegay in da’yartu ay yihiin furaha mustaqbalka Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa sheegay in dhallinyaradu ay yihiin laf-dhabarka bulshada iyo furaha mustaqbalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in si gaar ah loo horumariyo barnaamijyada lagu wacyigelinayo iyo kuwa fursadaha shaqo abuurka u samaynaya si looga ilaaliyo in ay u nuglaadaan fikradaha xagjirka ah.

Wasiirka oo ka hadlayay shirka afar-biloodlaha ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradaha xagjirka ah, ayaa xusay dadaallada ay wasaaraddu ku bixisay la dagaallanka fikradaha xagjirka ah, wuxuuna tilmaamay in guulo la taaban karo laga gaaray dhanka wacyigelinta bulshada, tababarrada dhallinyarada , iskaashiga hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ah.

Ugu dambeyntii, Wasiirku wuxuu baaq u diray deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo Hay’adaha wadashaqeynta la leh Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, isaga oo ka codsaday in ay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan barnaamijyada la xiriira dhalinyarada iyo nabadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...