Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay masiibadii 14-kii Oktoobar

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in ay xusuustooda ku weyn tahay weerarkii 14-ka Oktoobar ee 2017 ka dhacay Muqdisho.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa intaa ku daray in Muqdisho ay muujisay adkaysi iyo soo kabasho aan la qiyaasi karin.

“Maanta waxaan xusuusaneynaa dhibbanayaashii weerarkii argagixiso ee 14-ka Oktoobar 2017, Muqdisho waxay muujisay adkaysi iyo soo kabasho aan la qiyaasi karin”.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa sheegay in tani tusaale u tahay muhiimadda ay leedahay udiyaargarowga masiibooyinka, ka jawaabidda iyo dib u dhiska.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa yiri “Waxaan weligeen xasuusan doonnaa kuwii naftooda ku waayay, annagoo ka shaqeynayna nabad, badbaado iyo Soomaaliya adkaysi leh”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...