Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed

Date:

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan la qaatay Golaha Sare ee Midowga Culimada Soomaaliyeed oo booqasho ku yimid xarunta dhexe ee Guddiga.

Intii uu socday kulanka ayaa hoggaanka sare ee Culimada Soomaaliyeed, waxaa sharaxaad laga siiyey howlaha u qabsoomay muddadii gaabnayd ee uu jiray Guddiga iyo qorshaha guddiga mustaqbalka dhow.

Intaas kadib xubnaha Culimada ah ee ka socday Golaha sare ee Midowga Culimada Soomaaliyeed ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xurunta dhexe ee guddiga oo ay ka midyihiin Opration Room-ka, Call Center-ka, qeybta Data Center-ka iyo Qeybta Operation-ka ama Howlgalka oo ah halka laga haga arimaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Culimada Soomaaliyeed ugu mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Xarunta dhexe ee guddiga asigoona ku amaanay kaalinta ay ka qaataan wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Dhankooda, hoggaanka sare ee Golaha Culimada Soomaaliyeed ayaa guddiga ku bogaadiyey howlaha baaxadda leh ee u qabsoomay,iyoona ammaanay tayada qalabka casriga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaash, iyaga oo sidoo kale u balanqaaday Guddiga in ay kala shaqeyn doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa Wacyiga iyo Dareenka Bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan hirgelinta iyo xaqiijinta qabsoomidda Doorashooyinka Dalka heerarkooda kala duwan gaar ahaan Golaha Deegaanka ee Gobalka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...