𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

Date:

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda Soomaaliya kadib laba toddobaad kulan ah oo ay wada yeeeshaan qaar kamid ah hay’adaha Dowladda oo ay hoggaan u tahay Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo xubno sare oo ka socday IMF oo ay hoggaaminaysay Ran Bi oo ah wakiilka arrimaha Soomaaliya ee IMF.

Warbixintan ay soo saartay IMF ayaa timid kadib markii ay ansixiyeen guddiga sare ee Hay’adda oo shir gaar ah ka yeeshay natiijadii ka soo baxday kulankii dhexmaray hey’adaha Dowladda iyo IMF, sida ay ka hor sheegtay Guddiga Mrs. Ran Bi oo tilmaamtay in ay la kulantay natiijo la taaban karo kadib kulankii ay la yeelatay Wasiirka Maaliyadda iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo Nairobi kulamo ku yeeshay 16-kii September ilaa iyo 8-da bisha October 2025.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo isna ku hadlayay afka dhammaan hey’adaha Dowladda ee sida gaarka ah ula shaqeeya IMF ayaa soo dhaweeyay Warbixintaan, kuna tilmaamay in ay ku timid dadaal xoogan oo ay galiyeen hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka. Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in ay Dowladdu sii laba laabayso dadaalka horumarineed ee dhaqaalaha Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...