Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 71-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigidda naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.
Xuska maalintaan waa mid qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.
Soo Bandhigiddii Calanka.
Kadib muujinta hannaanka ee loo xardhay Calanka,xubnihii ururka SYL ee waqtigaa dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay muxaafid iyo mucaaradba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.
Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yiri”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.
Laakiin, markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday ,iyagoo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” waxeyna marmarsiinto ka dhigteen in aan la ogolayn calan dal leeyahay.
Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin,isku daygaasina uu yahay mid aan soo kordhineyn wax faa’iido ah.
Intaa kadib, Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.
Halgankii dheeraa, kadib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali midaysan.
Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 71- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.
12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:- “Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”.
Hadabba,26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, halka 1dii luulyo 1960kii gobolada koonfureed ay ,iyana ka xoroobeen gumaysigii Talyaaniga,isla markaana lagu guuleystay israaca labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur,kuwaas oo horsed u ahaa dhismaha Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.
Calanka waa astaanta dalka, in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta dugsiyada lagu dhigo lagu daro maaddo wadaniyadda ku saabsan.
Gabagabadii waa muhiim in ardayda iyo jiilasha dambe la baro qiimaha dalka iyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan xusudda halgamayaashii taariikhda galay , qiimaha calanka iyo astaanta dalku leeyahay.