Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalinta 12 Oktoobar ay ahmiyad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna.

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 71 sanno ka hor halyey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...