Ciidanka NISA oo cashar u dhigay Khawaarijtii weerartay Godka Jilacow

Date:

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Hay’adda NISA ee Gaashaan ayaa xalay door lama ilaabaan ah ka qaatay howlgalkii lagu soo afjarayay koox ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ee weerar fulaynimo ah ku qaaday xarunta iyo xabsiga Godka jilacow oo ay leedahay Hay’adda NISA, iyaga oo aan kala reebeyn shacab, maxaabiis iyo ciidankii ammaanka ee goobta ku sugnaa.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa weerarka u adeegsaday gaari walxaha qarxo laga soo buuxiyay, kadibna waxa ay bilaabeen in ay si aan kala sooc laheyn oo axmaqnimo ah ay uridaan rasaas iyaga oo aan wax dan ah ka laheyn shacabka soomaaliyeed ee deggan hareeraha Xabsiga iyo kuwii Wadada marayay toona.

Geesiyada Gaashaan oo si degdeg ah uga jawaabtay weerarkaas ayaa daqiiqado kooban kusoo afjartay argagixisadii nafla caariga aheyd ee ku dhuumaaleysanaayay goobo ka baxsan aaggaga muhiimka ah ee xarunta Godka Jilicow,miyaa oo toogtay shaman 7-dii Dhagarqabe ee weerarka argagixisonimo soo qaaday.

Ciidamada Gaashaan, ayaa sidoo kale waxa ay badbaadiyeen Maxaabiis gaareysay ilaa 85 xubnood, iyo sidoo dad shacab ah oo goobta la weeraray ku go’doonsanaa.

Howlgalkii xalay ee sifeynta argagixisada Khawaarijta ayaa kusoo dhamaaday guul iyada oo ciidankii geesiyada ahaa ee Gaashaana uusan wax qasaaro ah kasoo gaarin.

Ciidanka Gaashaan ee Hay’adda NISA oo ah ciidan ku caan ah soo afjaridda weerarada argagixiso ee noocaan ah ayaa waxa ay mar kale muujiiyeen geesinimo iyo karti dagaal oo dhif iyo naadir ah iyaga oo ka dhabeynaya magacooda iyo dhaartii ay ku mareen in ay gaashaan uga noqdaan shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya halista aan loo Aabe-yeelin ee argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...