Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo si rasmi ah u furay Maalinta Soomaaliya ee Bandhigga Adduunka Expo 2025 oo lagu qabtay Osaka

Date:

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa si rasmi ah u furay Maalinta Soomaaliya ee Bandhigga Caalamiga ah Expo 2025 ee ka socda Osaka, Japan.

Munaasabadda oo lagu soo bandhigay dhaqanka, hiddaha iyo suugaanta Soomaaliyeed ayaa soo jiidatay marti badan oo caalami ah, iyadoo muujisay muuqaalka cusub ee Soomaaliya ee fagaaraha dunida. Wasiir Isaaq Mursal ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay in dhaqanka iyo gobannimada ay yihiin astaanta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu dalku ku tallaabsaday horumar iyo isbeddel ku dhisan Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Aragtida 2060.

Danjire Yasushi Misawa, ku-xigeenka guddoomiyaha Expo 2025, ayaa amaanay ka qeybgalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay tahay dal leh fursado badan iyo dhaqan soo jiidasho leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...