Safaaradda Soomaaliya ee Congo oo ku guuleysatay siideynta 50-muwaadin oo xirnaa

Date:

Safiirka Soomaaliya ee dalalka Tanzania iyo Congo oo xabsiyo ay ku xirnaayeen ka soo daayey muwaadiniin Soomaaliyeed oo 50 qof ka badan.

Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa ku guuleystay in xorriyadooda ay dib u helaan in ka badan 50 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo ku xirnaa dalka Congo.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo yaalla qeybo badan oo kamid ah dalka Congo, oo ay kamid tahay magaalada Lubumbashi.

Dowladda Congo ayaa sii deysay muwaadiniintan, kadib dadaalo diblomaasiyadeed oo uu sameeyey safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Danjire Ilyaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in siideynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo dedejisay codsi rasmi ah oo uu saddex maalmood ka hor u gudbiyay Safiirka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo u fadhiya dalka Tanzania, Amb. Jean Pierra Massala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...