Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Madaxa ugu sarreeya ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta ee Sucuudiga

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhim ah la qaataay Madaxa ugu sarreeya ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta ee Sucuudiga,Sultan bin Abdulrahman Al-Marshad.

Kulankan ayaa intii uu socday Dawladda Soomaaliya soo bandhigtay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, kulamada oo sii socon doona ayaana la qorsheeyay in loo bedelo heer farsamo oo lagu lafa-guri doono, arrimaha hortebinta leh iyo inay horseedaan iskaashi dhaqaale iyo maalgashi oo ballaaran.

Wafdiga waxaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ku wehliya Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya Marwo Hodan Aadan Cusman, Maareeyaha Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga oo uu hoggaaminayo siihayaha Safiirka, Cabdicasiis Ibraahim Xasan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...