Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Date:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Elmo Maxamed Nur, ayaa maanta xafiiskiisa kulan muhiim ah kula yeeshay wafdi ka socday hay’adda IOM.

Kulanka waxaa wasiirka ku wehelinayay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradda, iyadoo doodda iyo falanqayntu ku saabsaneyd arrimo la xiriira horumarinta adeegyada Bulshada.

Sidoo kale, kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray soo bandhigidda naqshadaha guryaha (Shelter Designs) ee loogu talagalay dadka barakacayaasha ah,dardar-gelinta qorshaha lagu xaqiijinayo helitaanka guryo tayo leh oo qiimo jaban oo loogu talagalay barakacayaasha,dib u eegista iyo xoojinta heshiiska wada-shaqeynta labada dhinac.

Wasaaradda Hawlaha Guud, ayaa mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay dardargelinta adeegyada muhiimka ah ee Bulshada, iyadoo la adkaynayo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah si loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan taageerada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...