Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka JFS

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku bogaadiyey Guddoonka, Xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare shaqadii baaxadda lahayd ee ay qabteen intii lagu guda jiray kalfadhiyadii hore ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha oo khudbaddiisa dastuuriga ah ka hor jeediyay xildhibaanada labada Aqal ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, doorashooyinka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo guud ahaan horumarrada kala duwan ee dalka gaaray. Madaxweynaha waxa uu sheegay in tirada macallimiinta wax ka dhiga iskuullada la gaarsiin doono 10,000 si loo horumariyo waxbarashada dalka.

“Tirada macallimiinta wax ka dhiga iskuullada waxaa la gaarsiin doonaa 10,000 si loo horumariyo waxbarashada dalka,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, madaxweynaha oo ka hadlayay horumarka kaabayaasha dhaqaalaha dalka ayaa sheegay in bilaha soo socda la bilaabi doono qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaalka Soomaaliya, dalkuna uu gaaray isku-filnaansho dhaqaale iyo mid amni.

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Bilaha soo socda waxaa la bilaabi doonaa qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal ah oo Soomaaliya laga hirgelinayo.”

Furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in Golaha Baarlamaanka uu kalfadhigan xoogga saari doono dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo sharciyada kale ee muhiimka ah ee xildhibaannada horyaalla.

“Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka waxa uu kalfadhigan xoogga saari doonaa dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka, iyo soo doorashada xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Bariga Afrika,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo isna hadlay ayaa yiri:

“Golaha Aqalka Sare waxa uu soo jeedinayaa in la dhiso Golaha Adeegga Garsoorka, Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka, iyo in la dardargeliyo maqaamka caasimadda Muqdisho.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...