Wasiirka Maaliyadda XFS oo Nairobi kula kulmay Safiiradda Caalamka ee sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay safiirrada dalalka saaxiibada caalamka ee Soomaaliya xiriir dhow la leh, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, taageerada dib-u-habeynta maaliyadda, iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa intii uu socday kulanka waxa uu uga mahadceliyay safiirrada taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya ay la garab taagan yihiin, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay u leedahay in si daahfuran loo wada shaqeeyo, si loo xaqiijiyo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta maaliyadda iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha, xili ay Dowladdu dadaal xoogan galinayso sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo wax tar leh.

Safiirrada beesha caalamka ayaa dhankooda ku bogaadiyey horumarka dowladda Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo casriyeynta hannaanka dakhli uruurinta kadib qorshihii deyn cafinta iyada oo ay balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo mustaqbal dhaqaale oo waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXD oo dalacsiiyay ciidamadii ku guuleystay howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah...

Wasiirka Difaaca “Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Puntland waxay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dagaalka Daacish”

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim...

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo la kulantay Ururada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...