Wasiirro ka qeyb galay abaalmarin loo qabtay shirkadaha ugu tayada badan adeeg bixinta

Date:

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalay xaflad lagu maamuusayay abaalmarinta shirkado ganacsi oo ku guuleystay kobcinta tayada adeegyada loo qabto shacabka Soomaaliyeed.

Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka Hey’adda Tayodhowrka Qaranka, waxaa sidoo kale ka qeybgalay maamulayaasha shirkadaha wax soo saarka, aqoonyahanno, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada XFS, Mudane Maxamed Aadan Macallin, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa ka warbixiyay muhiimadda tartamada ganacsiga iyo doorka ay shirkaduhu ku leeyihiin tayeynta adeegyada la siiyo bulshada.

Xoghayaha Guud ee Hey’adda Tayodhowrka Qaranka, Guuleed Cabdirashiid, ayaa isna sheegay in tartanka shaqooyinka la qabto uu dhiirrigelinayo adeegyo tayo leh oo wax u tara ummadda.

Agaasimaha Machadka Tayada Qaranka, Abuukar Axmed Culusoow, ayaa sheegay in shirkado dhowr ah oo abaalmarin la siiyay loo doortay inay Soomaaliya ku matalaan tartamada Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...