Ra’iisul Wasaare Xamse oo amray hay’adda amniga dalka

Date:

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday saldhigga booliiska degmada Yaaqshiid, isagoo ku tilmaamay fal liddi ku ah xasilloonida iyo horumarka caasimadda. Wuxuu sheegay in weerarkaas uu xambaarsanaa farriin muujinaysa in Muqdisho aan loo oggolaan horumar, nabad iyo dowladnimo ka hirgasha.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si cad u sheegay in falkaasi uu ka dhan yahay dadaallada dowladda ee ku aaddan in shacabka loo sugo adeegyada dowliga ah, la dagaallanka Khawaarijta iyo xaqiijinta xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu faray hay’adaha amniga inay adkeeyaan ilaalinta ammaanka shacabka, isla markaana si degdeg ah uga hortagaan cid kasta oo isku dayda inay fowdo ka abuurto magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...