NISA iyo saaxiibadeeda oo howlgallo ka fuliyay saddex mid ah gobolada Soomaaliya 

Date:

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose.

Howlgalka gobolka Hiiraan:

Waxaa lagu dilay horjooge Cabdi Xiiray iyo labo horjooge oo kale oo ku sugnaa degmada Moqokori. Cabdi Xiiray, oo muddo lagu raad joogay, ayaa ahaa dhiigyo-cab abaabulay dhagarro badan oo lagu waxyeelleeyay shacabka deegaannada Hirshabeelle.

Howlgalka gobolka Galgaduud:

Illaa 11 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Nooleeye, kadib markii la helay xog muujinaysay in halkaasi lagu abaabulayay maleeshiyaad.

Howlgalka gobolka Shabeellaha Hoose:

In ka badan 10 xubnood ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay, howlgal lagu beegsaday tuulada Tugaarey oo hoos timaadda degmada Awdheegle.

Howlgalladan bartilmaameedka ah ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu naafaynayo Khawaarijta, loogana hortagayo khatar kasta oo ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...