Madaxweynaha JFS oo khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey dood furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kaga arrinsanayeen tiknaloojiyadda casriga ah iyo saamaynta ay ku leedahay ammaanka caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in garaadka macmalka ah uu yahay xaqiiqo casri ah oo si degdeg ah u beddelaysa nolosha, dhaqaalaha iyo qaababka ammaanka caalamiga ah, isagoo tilmaamay in ay leedahay fursado waaweyn oo lagu xoojin karo nabadda iyo horumarka, balse sidoo kale ay wadato khataro culus.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay muhiimadda dejinta shuruuc iyo siyaasado caalami ah oo lagu hago adeegyada garaadka macmalka ah ee AI, isagoo xusay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo in si siman ay tiknaloojiyadda casriga ah u gaarto dalalka caalamka oo idil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...