Madaxweynaha JFS oo khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey dood furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kaga arrinsanayeen tiknaloojiyadda casriga ah iyo saamaynta ay ku leedahay ammaanka caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in garaadka macmalka ah uu yahay xaqiiqo casri ah oo si degdeg ah u beddelaysa nolosha, dhaqaalaha iyo qaababka ammaanka caalamiga ah, isagoo tilmaamay in ay leedahay fursado waaweyn oo lagu xoojin karo nabadda iyo horumarka, balse sidoo kale ay wadato khataro culus.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay muhiimadda dejinta shuruuc iyo siyaasado caalami ah oo lagu hago adeegyada garaadka macmalka ah ee AI, isagoo xusay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo in si siman ay tiknaloojiyadda casriga ah u gaarto dalalka caalamka oo idil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...