Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Suudaan 

Date:

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta iyo dardargelinta xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ku dhisan ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Danjire Abdelrahman ayaa uga mahadceliyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka soo dhoweyntiisa diirran, isagoo xusay in Dowladda Suudaan ay ku faraxsan tahay xiriirka qotada dheer ee ay la leedahay Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale ku bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Golaha Shacabka ku leeyahay xoojinta wadashaqeynta labada dal.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caddeeyay in Soomaaliya iyo Suudaan uu ka dhexeeyo xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam iyo iskaashi, isagoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay mar walba abaal weyn u hayaan taageerada iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...