Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Suudaan 

Date:

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta iyo dardargelinta xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ku dhisan ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Danjire Abdelrahman ayaa uga mahadceliyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka soo dhoweyntiisa diirran, isagoo xusay in Dowladda Suudaan ay ku faraxsan tahay xiriirka qotada dheer ee ay la leedahay Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale ku bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Golaha Shacabka ku leeyahay xoojinta wadashaqeynta labada dal.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caddeeyay in Soomaaliya iyo Suudaan uu ka dhexeeyo xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam iyo iskaashi, isagoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay mar walba abaal weyn u hayaan taageerada iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...